Daawo Video: Kim Kardashian iyo Beyonce oo ku Tartamaya in ay Ku labistaan.......

Cuntada Iyo Cabitaanada La Rabo in Laga Ilaaliyo Haweeneyda Uurka Leh

(Foto:(c) Boldsky)

Haweenka uurka leh, waxaa ay u baahan tahay daryeel dheeri ah iyo ka war heyn xaaladooda caafimaad hadba halka ay mareeyso iyo wax yaabaha ku soo kordha. inta jeer ay uurka tahay waxaa laga yaaba in ay tahay marka ugu adag ee nolosheeda soo martay,tusaale ahaan,inta lagu guda jiro xilliga ay tahay sagaalka bilood waxaa dhaca isbadela fara badan oo xagga caafimaadkeeda ah.

Sidaa Darteed, waxaa loo baahan yahay in laga ilaaliiyo Cabitaanada ay ku jiraan maadooyinka kaffeine iyo cuntada qaarkood oo aan hoos idinku soo bandhigi doono.

  • Cabitaanda Khafiifka ah sida Sodada iyo kuwa Leh Kaffeine-ka


Haweeneyda uurka leh waan ay ka fogata cabitaanada noocaan ah ee leh Sodada iyo Kaffeine,sida shaaha iyo kafeega, in lacabo kaffeine fara badan waxa ay saameyn ku yeelan kartaa koritaanka ilmaha caloosha ku jira. Daraasad dhawaan la sameeyay ayaa waxa ay sheegeysaa in haweenka cabo maalin kasta halkoob oo bun ah in ay sababi karto waxyeelo qatar ah, waxa ay noqon kartaa qartartaasi in ilmaha yari ay dhashaan iyagoo aan laheyn misaan sax ah.

  • Cuntada Badda (Seafood)

Cuntada Badda ayaa waxaa ku badan maada loo yaqaan Mercury,haweeneeyda uurka lehna waxaa lagu la talinayaa in ay gabi ahaanba ka fogaato cunnadaasi,tusaale ahaan Kalluunka loo yaqaan Makarel oo ay ku badan tahay xaqiiqdii bakteeriyada Listeria keeni karana cunta ugu danbeeyntii lagu usmoobo.

  • Caanaha
Sidoo kale caanaha aan karkarsaneen (unpasteurized) waxaa iyana ku badan bakteeriyada Listeria.Tani waxay keeni kartaa dhibaatooyin la xiriira mandheerta iyo cudurada sabab ama sumowga dhiigga ee ilmaha yaryar.


  • Ukunta Haaf Kariska ah
  • Ukunta haaf kariska ah ama haaf la kariyay oo aan si aad ah dabka loo tusin, haweeneyda uurka leh  waxa ka mamnuuc ah inay cunaan ukunta jilicsan-la karkariyey. Waxaa laga cabsi qabaa in ay sababi karto sumowga  hooyada iyo ilmaha caloosha ku dhex jira.

    W/Q: Canjeex

    Horudhaca Film Cusub Oo Laga Sameeyay Qaxootiga Kenya

    Dhadhaab waa xeerada qaxootiga ee aduunka ugu weyn waxaana ku nool dad aad u badan oo somali ah.

    Waxaa lasoo saaray horudhaca film lamagac baxay “Sandbox” oo laga sameeyay dadka kunool xeradaan iyo dhibaatooyinka haysta .

    Dhalintaan jileeyso filimkan  waxa aay ku barbaareen qaxootiga baal daawo hordhaca film-ka hana moogaanin isaago dhameystiran isbucyada soo socdo.

    Daawo Film Somali Ah Oo Cusub Oo Aan Noociisa Oo Kale Horay Loo Arag

    Sida ugu wanaagsan ee jidhka loo dhiso adiga oo aan gym tagin, halkan ka daawo

    (C)Hablaha.com

    Sida ugu wanaagsan ee jidhka loo dhiso adiga oo aan gym tagin, halkan ka daawo

    Adiga oo habkan isticmaalaya maalin kasta waxa aad ku dhisi kartaa murqaha caloosha, adiga oo gurigaaga jooga waliba, isla markaana aan u baahnayn wax gym ama biro culays leh,

    fadlan si wanaagsan u daawo videogan oo hoose, isla markaana raac sida ay gabadhani samaynayso.


    Halkan ka daawo hoose

    Hablayahow Cilaanka hamoogaanina


    Haweenka soomaaliyeed ee u  qaxay qurbaha ayaa waxa ay ku kala nool yihiin meelo kala duwan. Qaar ayaa joogaa meelo aad u kulul halka qaar kalana ay ku nool yihiin meelo qabow.

    Dabaylaha qabow ee ka dhacaya banaanka wadamada qabowgu ka jiro iyo hawada qalalan ee guryaha ku dhex jirta ayaa keenta gacmaha oo qalala. Meelaha qabowgu ka dhacayo ayaa waxa dabaysha qabow ee ka dhacdaa qalajisaa gacmaha.

    Waxa muhiim ah in marka aad gacmaha iska dhaqaysid aad adeegsato saabuun, ama kareemada saabuunta ah ee khafiifka ah, ogow in biyaha  qandaca ahi ay ka fiican yihiin kuwa kulul ee gacmaha qalajinayo.

     Marka aad mayrayso weelka gasho gacmahaaga goloofis-yada loogu talagalay marka weelka la xalayo si aad si aad uga badbaadid dawada weelka lagu xalo oo aad ugu daran gacmaha.

    Marka aad joogto banaanka ee aad ku hadlayso telefoonka, aad gacanta ku hayso koob kulul oo aad shaah ama kafee ku cabayso gasho gacmaha golofisyada dhaxanta kaa celinaya

    Markasta oo aad u baxayso banaanka gasho gacmaha golofisyada laga gashto qabowga.


    Waxa aad caado ka dhigataa in aad had iyo jeer marsato gacmaha kareem ay ku badan tahay duxdu Ku seexo habeenkii si uu kareemku u noqdo mid shaqaynaya.

    Si joogta ah u cilaan saaro si ay u siyaado quruxda gacmahaaga.


     
     
    Copyright © 2011 Hablaha | designed by Canka hablaha.com.