Hablayahow Cilaanka hamoogaanina

Lawadaag Saaxiibadaa :

Haweenka soomaaliyeed ee u  qaxay qurbaha ayaa waxa ay ku kala nool yihiin meelo kala duwan. Qaar ayaa joogaa meelo aad u kulul halka qaar kalana ay ku nool yihiin meelo qabow.

Dabaylaha qabow ee ka dhacaya banaanka wadamada qabowgu ka jiro iyo hawada qalalan ee guryaha ku dhex jirta ayaa keenta gacmaha oo qalala. Meelaha qabowgu ka dhacayo ayaa waxa dabaysha qabow ee ka dhacdaa qalajisaa gacmaha.

Waxa muhiim ah in marka aad gacmaha iska dhaqaysid aad adeegsato saabuun, ama kareemada saabuunta ah ee khafiifka ah, ogow in biyaha  qandaca ahi ay ka fiican yihiin kuwa kulul ee gacmaha qalajinayo.

 Marka aad mayrayso weelka gasho gacmahaaga goloofis-yada loogu talagalay marka weelka la xalayo si aad si aad uga badbaadid dawada weelka lagu xalo oo aad ugu daran gacmaha.

Marka aad joogto banaanka ee aad ku hadlayso telefoonka, aad gacanta ku hayso koob kulul oo aad shaah ama kafee ku cabayso gasho gacmaha golofisyada dhaxanta kaa celinaya

Markasta oo aad u baxayso banaanka gasho gacmaha golofisyada laga gashto qabowga.


Waxa aad caado ka dhigataa in aad had iyo jeer marsato gacmaha kareem ay ku badan tahay duxdu Ku seexo habeenkii si uu kareemku u noqdo mid shaqaynaya.

Si joogta ah u cilaan saaro si ay u siyaado quruxda gacmahaaga.


 
Fadlan saaxiibadaa kale la wadaag Qormadaan | Baraha Bulshada ee Hoos ku xusan

0 comments:

Post a Comment

Ku Biiri Fakarkaada

 
Copyright © 2011 Hablaha | designed by Canka hablaha.com.